Dowladda Somalia oo Hawada ka celisay Diyaarad ka degi laheyd Hargeysa

Warar la helayo ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay Hawada ka celisay Diyaarad siday qaad badan oo Maanta doonaysay in ay ka degto Garoonka Diyaaradaha Magaalada Hargeysa.

Diiyaaradaan oo kamid timid dalka Kenya ayaa qorshaheedu ahaa inay ka degtay Garoonka Cigaal, balse Dowladda Federaalka oo War heshay inay sido qaad ayaa Hawada dib uga celisay.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in diyaaradaan ay u rarneynd Ganacsato reer Somaliland ah, waxaana ay dib ugu laabatay gudaha Kenya, iyadoona ka degtay diyaaradaha Garoonka Wajeer.

Qaadka Kenya ee Maanta laga celiyay Hargeysa ayaa ku soo beegmaya xilli uu yaraaday Qaadkii ka iman jiray dhinaca dlka Itoobiya, sababo la xiriira Qalalaasaha ka socda gudaha Ethiopia, kuwaasi oo ka dhashay fanaan la dilay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media