Dowladda Somalia oo Digniin u dirtay dadka degan dhulka Ciidanka Asluubta

Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan ayaa mamnuucday Isticmaalka, Boobka iyo Qaadashada Sharci-daradda ah ee lagu hayo dhammaan Dhulalka iyo Hantida Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Cadaalada Xasan Xuseen Xaaji ayaa waxaa lagu amray dadka sida sharci-darrada u degan ama boob ku heysta Dhulalka iyo Hantida Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed  inay si deg deg ah uga baxaan.

Sidoo kale Qoraaka Wasiirka Cadaalada ayaa waxaa lagu sheegay in dadka dhulkaas degan looga baahan yahay inay si deg deg ah dib ugu soo celiyaan gacanta Ciidanka Asluubta, waxaana dadkii amar fuliya waaya la sheegay in laga qaadi doono talaabo sharciga waafaqsan.

Hoos ka Akhriso Qoraalka uu soo saaray Wasiirka Cadaalada dowladda.

 

Comments
Loading...