Dowladda Somalia oo amartay in deg deg dalka uga baxo Wakiilka Qaramada Midoobay

War-Saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibada Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Wakiilka Qaramada Midoobey ee Arrimaha Soomaaliya in dalka Soomaaliya aan laga rabin  isagana baxo.

War-Saxaafadeedka ayaa waxaa lagu xusay in Wakiilka Qaramada Midoobey ee Arrimaha Soomaaliya uusan dalkaan ka Shaqeyn karin,isla markaana Nicklas Haysom uu si cad u jabiyay habmaamuuskii iyo dhaqankii diblomaasiyadeed ee uu Xafiiskan u taagnaa.

Wakiilka Qarmada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya ayaa xalay ka hadlay xarigii Muqtaar Roobow iyo banaanbaxyadii rabshadaha watay ee ka dhacay Magalada Bayhabo.

Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeedka Wasaaradda arrimaha Dibada Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor