Dowladda Somalia oo amar siisay dadka ka dhoofaya dalka

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada waxay cadaynaysaa in shahaadada safarka ee la xiriirta baarista COVID-19 ee dadka dhoofaya ay ka qaadan karaan oo kaliya shaybaarka qaranka ee magaalada Muqdishu kaas oo ah xarunta kaliya ee haysata aqoonsiga baarista COVID19 wadata tixraaca, sumada iyo shaambadda Shaybaarka dhexe, wixiiintaas ka soo hara waxay wasaarada Caafimaadka u aqoonsantahay waxba kama jiraan sidoo kale baal marsan hanaanka baarista ee COVID19.
Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada waxay goor walba diyaar u tahay inay u fududeeyso muwadiniinta dhoofaya wax alle wixii la xiriira baarista xanuunka COVID19 iyada oo la raacayo habraacyada qaran ee baarista Xanuunka COVID19, Dadka doonaya shahaadad safarka ee Covid-19 waxay tagi karaan goobaha baaarista ee kala ah Isbitaalka De Martino iyo Banaadir.
Wasaaraada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada waxa ay diyaarisay Hab online ah oo lagu hubinayo in shahaadada u muwaadinku wato ay kasoobaxday Sheybarka Qranka kasoo lagu diyaariyay Airport

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media