Dowladda Shiinaha oo deeq Waxbarasho u balan qaaday Soomaaliya

Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Qin Jian oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in sanadki hore Dowladda Shiina deeq waxbarsho u fidisay arday gareeysa 51 arday,sanad kaana si lamid ah ay qorsheynayaan in tiro arday ah deeq waxbarasho ay siiso Dowladda Shiinaha.

Wuxuu talaabadan ku tilmaamay Danjiraah Shiinaha ee Soomaaliya in tani ay tahay mid sii xoojineeysa xiriirka saaxiibtanimo ee Soomaaliya iyo Shiinaha,islamarkaana ay sii wadi doonaan tageerada marwaliba ay siiyaan Dowladda Soomaaliya iyo waliba is dhaxgalka labada bulsho.

Hadalkan ayuu jeediyay Danjire Qin Jian xili maalintii shalay ay qalab xafiiseed ku wareejinayeen ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed,kaasi oo loogu talagalay in bulshadu ay uga adeegaan,waxaana munaasabadda wareejinta qalabkaasi goob joog ka ahaa Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha

Dowladda shiinaha waxa ay kamid tahay dowladaha taageera Soomaaliya,iyadoo ka taageerta mashaariicd ahorumarineed iyo waxbarashada dhalinyarada,waxaana ka dhexeeya labada dowladood xiriir soo jireen ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media