Dowladda Shiinaha oo ballan qaad weyn u sameysay Soomaaliya

Dowladda dalka Shiinaha ayaa Soomaaliya u sameysay ballan qaadyo waa weyn, waxaana ay sheegtay in sida ugu dhaqsiyaah badan ay usoo gaarsiin doonto deeq kala duwan oo ay ugu talagashay in Soomaaliya ay ku caawiso.

Shiinaha ayaa shaaciyay in deeqdani ay ka kooban tahay dhowr qaybood, waxaana ka mid ah Booyadaha Biyaha iyo agab kale oo ay sheegeen in Soomaaliya ay ku caawinayaan.

Sidoo kale waxaa dowladda Shiinaha ay ballan qaadday in ay Soomaaliya ugu deeqi doonto Labbiska Ciidanka oo dhammeystiran, waxaana Ciidanka qaybahooda kala duwan ay sheegtay in ay soo gaarsiin doonto Dareeska.

Shiinaha ayaa ka mid ah dalalka Soomaaliya taageera, waxaana Soomaaliya ay ka caawiyaan dhinacyo kala duwan, iyadoo tiro dhowr jeer ah ay Shiinuhu mashaariic ka fuliyeen gudaha Soomaaliya, kamana maqna ka qayb qadashada arrimaha bani’aadanimo ee ka dhaca dalka,

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media