Dowladda Sacuudiga oo xilkii ka qaaday Ku-xigeenkii Madaxda Sirdoonka iyo Saraakiil kale

Waaberigii hore ee maanta oo Sabti ah waxay Dowladda Sacuudiga shaqada ka cayriyeen 5 Sarkaal oo ay ka mid yihiin Ku-xigeenkii Madaxda Sirdoonka dalkaasi, Sarreeye Gaas Axmed Al-assiri iyo Sacad Al-qaxtaani oo ahaa La-taliyihii Dhaxal-sugaha Sacuudiga, Amiir Maxamed Bin Salmaan (MBS).

Wargeyska the Washington Post ayaa maanta qoray inay Dowladda Sacuudiga shaqada ka cayrisay 5 Sarkaal, halka 18-kalena loo xiray kiiskaasi, lana soo hor  taagi doono Sharciga.

Dowladda Sacuudiga waxay kaloo qiratay mas’uuliyadda dilka AUN Jamaal Khashoggi, oo ay tilmaamtay in lagu dilay gacan-ka-hadal intii uu socday baaritaankii bishan 2-dii ka dhacay dhismaha Qunsulliyada Sacuudiga ee magaallada Istanbul ee dalka Turkiga.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor