Dowladda Ruushka oo Digniin u dirtay xulufada gaashaanbuurta Nato

Ruushka ayaa dalalka ka tirsan gaashaanbuurta uga digay inay ciidamo u diraan dalka Ukraine xilli ay soo baxayaan wararka sheegayo in Ruushka uu ciidan uruursi ka wado deegaannada dhaca xadka.

Afahayeen u hadlay aqalka looga arrimiyo ee Kremlin ayaa sheegay in Ruushka uu qaadi doono tallaabooyin dheeraad ah waa haddii Nato ay ku dhaqaaqdo tallaabadaas.

Xiisad ayaa laga soo sheegayo bariga Ukraine iyadoo uu dagaal dhexmaray ciidamada Ukraine iyo kooxaha gooni u goosadka ee uu taageero Ruushka.

Waxaa heegan la geliyay ciidamada Mareykanka ee ku sugan Yurub kadib waxa lagu tilmaamay dandaansiga sii kordhayo ee gobolka uu ka wado Ruushka.

Sarkaal ka tirsan Nato ayaa wakalaadda wararka ee Reuters u sheegay in Ruushka in uu faragelin ku hayo dadaallada lagu xoojinayo amniga bariga Ukraine isla markaana safiirada Nato ay Khamiistii kulan ka yeesheen xaaladda.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa cambaareeyay tallaabada Ruushka, wuxuu sheegay in Ruushka ay dhaqan u tahay dandaansiga iyo dhoolatuska ciidan ee ku sameynayo xadka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor