Madaxtooyada Turkiga ayaa shaacisay inay soo gaareen 8 Diyaaradood oo uu Madaxweynaha Raashiya, Valadamir Putin u soo diray, kuwaasi oo gacan ka geysan doona Hawlgalka lagu daminayo Kaymaha ku gubanaya Koonfurta Turkiga.
5 Diyaaradaha waa weyn ee Il 76 iyo 3 Helikobtarada nooca Mi 8 ayuu Madaxweynaha Raashiya soo diray, kadib, markii ay Khadka Telefoonka ku wada hadleen dhigiisa Turkiga, Rajab Dayib Erdogan.
Putin waxa uu u xaqiijiyey Erdogan inay taageero dheeraad ah ka geysan doonaan daminta Kaymaha ku gubanaya Koonfurta Turkiga.
Dhinaca kale, Madaxweyne Erdogan waxa uu Putin uga mahad celiyey inuu u soo diray Turkiga 5 diyaaradaha Il 76 oo ay midiiba qaadi Karta 40 tan.
Arbacadii hore ayuu dab xoogan qabsaday dhulka Kaymaha ee Gobalo ku yaalla Koonfurta Turkiga, iyadoo ay 6 qof ku geeriyootay, halka ay 183 kalena ku dhaawacmeen.