Dowladda Qatar oo ugu baaqday Beesha Caalami inay u midoobaan Xal-u-helista Arrimaha Somalia

Wasiiru-dowlaha arrimaha Dibedda ee dalka Qatar, Suldaan Bin  Sacad Al-muraykhi waxa uu hadalkaasi ka sheegay Shirkii Arrimaha Somalia ee lagu qabtay magaalladda Brussels ee dalka Belgium, wuxuuna Beesha Caalamka ku booriyey inay mideeyaan Dadaalkooda ku aadan xal-u-helista Xaalladda Somalia.

Waxa uu intaasi ku daray inay Beesha Caalamka ku casuumayaan inay ciiddamo ku soo biiriyaan sidii xal loogu heli lahaa Xaalladaha Xag-jirka ee Somalia, taasi oo  ilaalin karta Midnimadda Somalia iyo in la xaqiijiyo Dib-u-heshiisiinta Qaranka, Ammaanka Xuduudaha iyo Dhismaha Hay’addaha DFS.

Dhinaca kale, Wasiiru-dowlaha arrimaha Dibedda ee dalka Qatar, Suldaan Bin  Sacad Al-muraykhi waxa  uu sheegay inay taageersan yihiin muhiimadda ay leedahay in la kordhiyo Taageradda Ciiddanka Hawlgalka AMISOM.

Waxa kale oo uu xaqiijiyey inay sii wadi doonaan Taageeradda Samafalka ee ay siiyaan Somalia iyo dalalka kale,  wuxuuna tilmamaay inay Qatar u ballanqaadayso Somalia  kaalmo dheeri ah oo dhan 200 million oo Dollar oo wax looga qaban doono Arrimaha Caafimaadka, W/barashadda, Dhaqaalaha, iyo mashaariicda Adeegyadda muhiimka ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor