HomeWararDowladda Qatar oo la sheegay inay qoranayso Ciidamo Soomaali ah

Dowladda Qatar oo la sheegay inay qoranayso Ciidamo Soomaali ah

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Wargeyska Almasar Al-yoom ee ka soo baxa magaalladda Qaahira iyo kuwo kale oo Carbeed ayaa qoray inay Dowladda Qatar qaadanayso Askar Somali si ay u kordhiyaan Tirada Ciiddankooda. Wargeysyadda waxay Xogtaasi ka soo xigteen Baaritaan ay arrintaasi ku samaysay Shabakadda Wararka Garowe ee Xaruntiisa Dhexe ku taallo caasimadda dalka Sudan ee Khartoum. Dowladda Qatar waxay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wargeyska Almasar Al-yoom ee ka soo baxa magaalladda Qaahira iyo kuwo kale oo Carbeed ayaa qoray inay Dowladda Qatar qaadanayso Askar Somali si ay u kordhiyaan Tirada Ciiddankooda.

Wargeysyadda waxay Xogtaasi ka soo xigteen Baaritaan ay arrintaasi ku samaysay Shabakadda Wararka Garowe ee Xaruntiisa Dhexe ku taallo caasimadda dalka Sudan ee Khartoum.

- Advertisement -

Dowladda Qatar waxay qaadanaysaa dhallinyarada shaqo la’aanta ku hayso dalalka saboolka ee Geeska Afrika, oo ay Somalia ku jirto, iyadoo Askari kasta mushaar ahaan bishiiba loo siinayo 6,000 oo Dollarka Maraykanka, waa sida lagu xusay Warbixintaasi.

Wargeyska Almasar Al-yoom ayaa ka soo xigtay Garowe Online inay Saraakiil sare oo ku sugan Villa Somalia ay Qoristaasi ka wadaan dhowr Maamul-gobaleedyo, waa sida lagu xusay Warbixinta.

Weriye ka tirsan Garowe Online oo ku sugan magaalladda Garowe ee Puntland ayaa sheegay inuu booqday Xafiiska Baasaboorada, halkaasi oo uu ku wareystay dhallinyaro saf ugu jirtay sidii ay u heli lahaayeen Baasabooro Somali ah si ay ugu diyaar garoobaan Qorshaha Safarka ee loogu qaadayo dalka Qatar.

- Advertisement -

Mid ka mid ah Dhallinyaradaasi oo codsaday inaan magaciisa la xusin ayaa u sheegay Garowe Online marka ay helaan Baasaboorada inay muddo 20-maalmood sugi doonaan Fiisaha dalka Qatar, halkaasi oo ay ku qaadan doonaan Tababar Milliteri si ay uga mid noqdaan Ciiddanka dalkaasi.

Waxa uu intaasi ku daray inay dhamaan Dhallinyarada aadi doona dalka Qatar mushaar ahaan loo siin doonaan 6,000 oo Dollar bishiiba, kadib, tababarkooda.
Wargeyska Almasar Al-yoom waxa uu ka soo xigtay Shabakadda Garowe Online xog sheegaysa in ugu yaraan 10 qof oo u shaqeeya Wasaaradaha Xukuumadda Federalka loo diray dalka Qatar.

Si kastaba ha ahaate, Madaxda DFS iyo Maamul-gobaleedyada weli kama hadlin sugnaanshaha Qorshaha la sheegay inay Dowladda Qatar ku qoranayso Askar Soomaali ah,mana jiraan Warar Madax-bannaan oo xaqiijinaya Warkaasi

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts