Dowladda Qatar ayaa lagu wadaa in ay Soomaaliya u soo Magacowdo Ergay Cusub oo baddali doona Ergaygii hore ee Soomaaliya u fadhiyay, xili xaaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya ay tahay mid qasan oo khilaaf uu ka dhex-taagan yahay Soomaalida.
Wararka aan helnay waxaa ay sheegayaan in Qatar ay Soomaaliya u soo dirayso Ergay cusub oo lagu Magacaabo Dr. Mutlaq Alqaxdaani kaasi oo horay doorweyn ugu lahaa wadahadallada lala galayay Taalibaan.
Waxaa lagu wadaa in wafdi ka socda Dowladda Qatar uu soo gaaro Muqdisho, waxaana u jeedku yahay si ay qeyb uga noqdaan dadaallada lagu doonaayo in doorasho dhammaan dhinacyada Soomaalidu isla ogol yihiin ay ka dhacdo dalka.
Dadka sida dhaw ula socda arrimaha siyaasadda Soomaaliya ayaa rumeysan in tallaabada Qatar ay qaaday ay doonayso inay wanaajiso sumcaddeeda gudaha Soomaaliya.
Waxaana horay Dowladda Qatar loogu eedeyay in Soomaaliya ay u soo galisay lacago, inkastoo ay hoosta ka xariiqday inaysan jirin lacag madow oo ay geliso Soomaaliya, waxaana Dowladda Qatar ay qoraal ku beenisay eedeymahaasi lala xiriiriyey.