Dowladda oo Warbixin horudhac ah kasoo saartay Khasaaraha Qaraxyadii Soobe2

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed ee howlgalada gurmadka deg-dega ah ayaa warbixin horudhac ah kasoo saartay khasaaraha ka dhashay qaraxyadii is-miidaaminta ahaa ee sabtidii lasoo dhaafay ka dhaca Isgoyska Soobe ee Muqdisho.

War-saxaafadeed kasoo baxay Hay’adda Maareynta ayaa waxaa lagu sheegay in qaraxyadii is xigxigay ee Soobe ka dhacay ay ahaayeen kuwo geystay khasaaro lixaad leh oo isugu jiray dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed oo lagu qiimeeyay maalaayiin dollar.

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed ayaa tirada dhimashada qaraxyadii dhacay 29-kii Octoober 2022 ku sheegtay inay tahay 119 qof, halka ay ku dhaawacmeen 334 qof oo 33 kamid ah ay dhaawacyadooda culus yihiin iyo 13 qof oo weli nolal iyo geeri lagu la’yahay.

Sidoo kale Hay’adda Maareynta ayaa Warbixinta hordhaca ah ee soo saartay ku xustay in hantida ku qasaartyay qaraxyadii Isgoyska Soobe2 ee magaalada Muqdisho lagu qiyaasay 1,517,050, hantidaas oo lagu waayay qaraxyadii dhacay.

Gaba-gabadii Hay’adda ayaa tilmaamtay inay xogtaan laga uruuriyey Xarunta gurmadka deg-dega ah iyo Isbitaalada ku yaalla magaalada Muqdisho, iyagoona gurmadka loo sameeynayey dadka waxyeelada soo gaartay ay ka qeyb qaateen dadka kunool Gobolka Banaadir iyo Madaxda dowladda Federaalka oo dhiig u shubay dadka dhaawacmay.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor