Dowladda oo War kasoo saartay weerarkii Al-shabaab ee Jannaay Cabdalle

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay weerar ku bilowday Qarax Ismiidaamiin oo shalay Al-shabaab ay ku qaadeen deegaanka Jannaay Cabdalle ee duleedka Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

War-saxaafadeed kasoo baxay Dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidanka dowladda oo kaashanaya kuwa Taliska Mareykanka ee AFRICOM ay ka hortegeen weerar ay kusoo qaadeen Al-shabaab, xili ay ku sugnaayeen xero ku taalla Jannaay Cabdalle.

Weerarka ayaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray Ciidanka dowladda iyo kuwa Mareykanka, waxaana dowladda ay sheegtay in halkaas ay uga dhigeen laba Askari, halka 3 kalena ay ka dhaawacmeen.

Sidoo kale Qoraalka ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in Ciidanka Mareykanka uu weerarka Al-shabaab ee Jannaay Cabdalle uga dilay hal Askari, isla markaana uu jiro Khasaaro dhaawacyo oo gaaray kuwa Mareykanka.

Al-shabaab warar ay qoreen barahooda dhinaca Internet-ka ayaa waxaa ay ku sheegteen Mas’uuliyada weerarka qaraxa ku bilowday, iyagoona tilmaamay in weerarka ay ku dileen 16 Askari oo ka tirsan Ciidanka dowladda iyo 4 Sarkaal oo Mareykan ah, halka 12 kalena ay dhaawaceen, sidoo kalena la gubay saddex gaari oo gaashaaman.

Si kastaba Ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa Daraawiishta dowlad goboleedka Jubbaland ayaa dhawaan Al-shabaab kala wareegay deegaanka Jannaay Cabdalle oo 55 KM u jira Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media