Dowladda oo War kasoo saartay tallaalka COVID-19 ee soo gaaray Muqdisho

Shixnadii u horreeysay ee tallaalka Cudurka halista ah ee COVID-19 ayaa Maanta oo Isniin ah soo gaartay Magaalada Muqdisho, waxaana diyaarad ay kasoo qaaday Magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo kasoo degtay Garoonka Aadan Cadde.

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka ayaa Garoonka diyaaradaha kula wareegtay tallaalka Cudurka COVID-19, waxaana goobjoog ka ahaa Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda.

War-saxaafadeed kasoo baxaya Wasaaradda Caafimaadka oo ku qornaa luuqada Ingiriiska ayaa lagu faah faahiyay tallaalka Cudurka halista ah ee COVID-19 ee Maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Dowladda ayaa sheegtay inay heshay qeybtii kowaad tallaalka COVID-19 oo noociisu yahay  Oxford/Astrazenica, isla markaana loogu tala-galay inay qaatan illaa iyo 300,000 oo qof oo ah shaqaalaha Caafimaadka ee safka hore ugu jira la-dagaalanka xanuunka.

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa u mahadcelisay guud ahaan cid walbo gacan ka geysatay keenista tallaalka COVID-19 ee Soomaaliya, iyagoona sigaar ah ugu mahadceliyay Qaramada Midoobay.

Qaramada Midoobay ayaa horey qaar kamid dalal ku yaalla qaarada afrika gaarsiisay tallaalka loogu tala-galay in loo qaato Cudurka halista ah ee COVID-19 oo kusoo laba kacmeeyay caalamka oo dhan ah

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor