Dowladda oo War kasoo saartay Shirka Madaxda DFS iyo DG ee ka dhacaya Muqdisho

Shir u dhexeeya Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada ayaa todobaadkaan gudihiisa lagu wadaa inuu ka qabsoomo Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Shirkaan ayaa waxaa Madaxda maamulada isugu yeeray Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana looga arrisan doonaa arrimo dhowr ah, iyadoona Madaxweynihii ugu horreeyay ee ka qeyb galaya Shirkaas uu Maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayuu noqday madaxweynaha Koowaad ee yimid Muqdisho, waxaana Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin kala duwan oo kamid ah dowladda.

Wasaaradda arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka hadashay Shirka Madaxd dowladda Federaalka iyo kuwa Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada ay ku yeelanayaan Caasimadda.

Wasaaradda oo Qoraal soo saartay ayaa waxaa ay ku sheegtay Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamulada looga arrinsanayo arrimmo ay ka mid yihiin wadashaqeynta labada heer ee dowladda Federaalka ah, dadaallada ladagaalanka Al-shabaab, abaaraha iyo arrimo kale oo hortabin u leh dowlaad dhiska Soomaaliya.

Sidoo kale Wasaaradda arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ayaa tilmaamtay inay si weyn ugu diyaargarowday soo dhoweynta dhammaan madaxda maamul goboleedyada iyo wufuudooda oo lagu wado in ay soo gaaraan Muqdisho.

Shirka u dhaxeeya DFS iyo dowlad Goboleedyada ayaa ku soo aaday, iyadoo mad madow uu ka dhex jiro qaar ka mid ah dowlad Goboleedyada iyo dowladda, waxaana shirkooda maalmaha soo socda ka furmayaa Magaalada Muqdisho looga hadlayo arrimo dhowr ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor