Dowladda oo War kasoo saartay Qaraxii duleedka Muqdisho

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u Camaabeereysay qaraxii saakay ka dhacay duleedka Magaalada Muqdisho ee lala eegtay dad shacab ah oo isku qoys ahaa, kuwaasi oo u socday Gobolka Shabeellaha Hoose.

Qoraal kasoo baxay dowladda Federaalka ayaa waxaa tacsi loogu diray qoysaska iyo qaraabada ay ka geeriyoodeen dadka ku shahiiday qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah, wuxuuna qabsaday gaari Hoomey ah oo la socdeen 14 qof.

6 ruux ayaa ku geeriooday qaraxaas, halka 7 qof kalena dhaawac uu soo saaray, waxaana dadka dhaawacmay laba kamid ah xaaladood Caafimaad ay halis tahay, sida uu sheegay Agaasimaha guud ee Isbitaalka Madiina Dr. Maxamed Yuusuf.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay dowladda Federaalka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media