Dowladda oo War kasoo saartay Duqeyn Cusub oo laga fuliyay G/Baay

Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa Taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika ee loo yaqaano AFRICOM ayaa duqeyn diyaaradeed ka fuliyay deegaan ka tirsan Gobolka Baay ee Maamulka Koonfur Galbeed.

War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda Federaalka ayaa waxaa lagu sheegay in duqeynta ay ka dhacday deegaan lagu magacaabo Xawaal Barbaar oo ka tirsan Gobolka Baay, isla markaana lala eegtay xubno ka tirsan Al-shabaab.

Sidoo kale Qoraalka dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in duqeynta lagu dilay 5 kamid ah dagaalamayaasha Al-shabaab kuna sugnaa Xawaal Barbaar, iyadoona duqeyntaas ay iska kaashadeen Ciidanka dowladda iyo kuwa AFRICOM.

Dowladda Soomaaliya ayaa tilmaamtay in howlgalka duqeynta ee la fuliyay wax Khasaaro ah uusan kasoo gaarin dadkii shacabka ahaa ee ka Agdhawaa deegaanka, kadib markii ay qiimeyn sameeyeen.

Si kastaba tiro ka dhowr jeer ayaa diyaarado laga leeyahay Mareykanka oo garab ka helaya Ciidanka dowladda Federaalka waxaa ay duqeymo dhowr ah ka fuliyeen deegaano ka tirsan Gobolada Jubbooyinka iyo Shabeellaha Hoose.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media