Dowladda oo War kasoo saartay Cabsida laga qabo Fatahaadaha Webiyada Shabeelle iyo Jubba

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa Maanta waxaa uu ka hadlay Fatahaadaha Webiga Shabeelle uu ku sameynayo qaar kamid ah Gobolada Dalka.

Wasiir Maareeye oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya Cabsi badan ka qabto Fatahaadaha ay sameenayan Webiyada Shabeelle iyo Jubbaba ee mara deegaano ka tirsan Gobolada dalka.

Sidoo kale Wasiirka ayaa waxaa uu tilmaamay in dowladda Federaalka ay ka walaacsantahay saameynta Fatahaadaha Webiyada,isagoona sheegay in meelaha ugu badan ee Cabsida ka jirto ay kamid ah yihiin Jowhar, Deegaanka Owdiinle iyo Magaalada Baardheere iyo deegaano kale.

Isaga oo sii hadlaayay Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayuu shacabka dega hareeraha Webiyada ugu baaqay inay galaan feejignaan dheeraad ah.

Ugu dambeyntii Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in dowladda Federaalka, dowlad Goboleedyada dalka, Ganacsatada iyo Hay’adaha Caalamiga ah looga fadhiyo inay gumad u sameeyaan dadka waxyeelada ka soo gaartay Fatahaadaha.

17-kii Bishaan October ayuu Fatahaad Wabiga Shabeelle ka bilaabay Magaaladda Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan taas oo sababtay in Afarta xaafadood Fatahaadu wadagaartay dad badan ayaa guryahooda isaga baxay iyaga oo cabsi ka qaba in xaaladdu ku sii xumaato.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media