Dowladda oo wada qorshe Gobolada dalka looga hirgelinayo Xarumo karantiil

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xali Khayre ayaa xalay  guddoomiyey shirka joogtada guddiga qaran ee xakameynta cudurka faafa ee Coronavirus,

Ugu horreyn Ra’iisul wasaaraha ayaa warbixin ku aadan xaaladihii ugu dambeeyey ee Covid-19 ka dhageystay xubnaha guddiga, maadaama uu ka sii darayo xanuunka.

Sidoo kale inta uu socday kulanka ayaa waxaa looga dooday qorshe dhammaan goboladda dalka looga hirgelinayo Xarumo caafimaad oo lagula tacaalo faafitaanka Cudurka COVID-19.

Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Guddiga Qaran ee Cudurka ayaa sheegay in muhiim ay tahay in si sare loo qaado bed-qabka ummadda iyo yareynta saameynta uu Cudurkaani oo bulshada ku yeelnayo.

Tirada xaaladaha COVID-19 ee xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan gelisay ayaa gaartay 997 waxaa bogsootay 110 Ruux. 48 ruux oo kale ayaa u geeriyooday.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media