Dowladda oo soo Gaba-gabeysay qorista manhajka dugsiga sare ee Dalka

Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Taliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), ayaa Muqdisho ku qabatay Xafladda Gabagabada Qoraalka buugaagta Manhajka Qaranka ee dugsiga Sare oo ah buugaag ay diyaariyeen dad Soomaaliyeed.

Waxaa ka qeyb galay Munaasabadda Wasiirka wasaaradda waxbarashada Cabdullaahi Goodax Barre oo munaasabada ugu qeyba galay habka adeega casriga ah ee online-ka, Wasiiru Dowlaha wasaaradda waxbarashada, Agaasimaha Guud ee wasaaradda waxbarashada, Agaasime xigeeno qubaradii diyaarisay Manhajka Waxbarashada, xubno ka socday shirkada Badar ee daabacay Manhajka, Culimaa’udiin iyo marti sharafkale oo lagu casuumay.

Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya mudane Cabdullaahi Goodax Barre oo u mahadceliyay Khubaradii iyo dadkii waqtiga ku soo bixiyay in la helo Manhaj dugsi sare oo la jaan-qaadi kara dalka ayaa sheegay in guul weyn ay tahay in lasoo gaaro heerkaan Gabagabada qoraalka buugaagta Manhajka, isagoo sheegay in ay ka go’antahay tayeynta Waxbarashada Dalka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media