Dowladda oo soo Bandhigtay Hub lagu qabtay Dagaalkii cuslaa ee ka dhacay Baxdo

Maamulka degaanka Baxdo ee Gobolka Galgaduud iyo saraakiisha ciidamada qalabka sida ee ku sugan degaankaas ayaa maanta goob fagaare ah ku soo bandhigay, meydadka xubnihii Al-shabaab looga dilay dagaalkii shalay, saanad ciidan oo lagu qabsaday dagaalka.

Saraakiil ka tirsan Galmudug iyo kuwa Xoogga dalka oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa ay u sheegeen in la tiriyey meydadka 70 xubnood, waxaana raga la dilay ku jira xubno ajaanib ah, sidoo kale waxaa nolosha lagu qabtay oo maanta fagaaraha Baxdo lagu soo bandhigay darawalkii waday gaari lagu soo raray waxyaabaha qarxa.

Dagaal culus ayaa shalay ka dhacay deegaanka Baxdo ee Gobolka Galgaduud ku dhexmaray maleeshiyaad is abaabulay oo deegaan ah iyo Al-shabaab, waxaana dagaalkaas ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac oo farabadan.

In ka badan 30 dagaalame ayaa la sheegay in Al-shabaab looga dilay dagaalka, halka shabaab dhankooda ay sheegeen inay dagalka la galeen maleeshiyaadka is abaabulay ee deegaanka ka dileen 27 xubnood, sidoo kalena ay jiraan dhaawacyo tobaneeyo gaaraya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor