Dowladda oo sheegtay in aan la hakin waxyaabaha Nolosha u muhiimsan

Maareeyaha Hay’adda Duulista rayidka Soomaaliyeed Axmed Macalin Xasan oo  oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in duulimaadyada la hakiyay ee gudaha dalka kaliya ay yihiin dadweynaha balse aysan ka ku jiran alaabada qutul daruuriga sida raashinka ,daawada, qalabka baabuurta iyo waxii la mid ah oo ay bulshada ka maarmin.

Maareeyaha ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliyeed iyadoo utureysa shacabkeeda ay ku da daaleyso in culus farabadan aysan la kulmin hase ahaatee ay udigeysa dadka wada  warar aan xaqiiqda ku saleysneen oo ah in la joojiyay waxyaabaha aas aasiga u ah bulshada

Axmed Macalin Macalin Maareeyaha Hay’adda duulista rayidka waxaa kaloo uu intaa ku daray in alaabaha dibada ka yimaada sida raashinta daawada iyo waxa la mid ah ay ufasaxan yihiin in dalka la keeno.

Wasaaradda gadiidka iyo duulista hawada Xukumadda Federaalka ay shaacisay in la hakiyay muddo kooban duulimaadyada gudaha laga bilaabo caawo si looga hortago faafitaanka Cudurka Saameeynta badan ku haaya Caalamka ee Covid-19

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media