Wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo tallaado ah shaacisay inuu geeriyooday hal qof oo kamid ahaa bukaannadii horey looga helay cudurka halista ah ee COVID-19.
Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in 24-kii saac ee ugu dambeeyay la diiwaan geliyay 48 xaalado cusub oo COVID-19 ah, ayna bogsoodeen 19 ruux oo kamid ah dadkii horay looga helay xanuunka.
19 kamid ah xaaladaha cusub waxaa laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir, Somaliland 17 Ruux, Galmudug 2 Ruux, Puntland 8 Ruux iyo Hirshabeelle 2, waxaana 34 kamid ah Bukaannada cusub waa rag, waxaana dumar ah 14 xaaladood oo kale.
Tirada guud ee xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay waxey noqdeen 2,416 Ruux, waxaa ka bogsooday 489 ruux, waxaana guud ahaan dalka ugu geeriyooday 85.