Dowladda oo shaacisay Dad Cudurka COVID-19 ugu dhintay dalka

Wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta xaqiijisay inay geeriyoodeen 2 qof oo kamid ahaa bukaannadii laga helay cudurka halista ah COVID-19.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in 24-kii saac ee ugu dambeeyay la diiwaan geliyay 23 xaalado cusub oo COVID-19 ah, ayna bogsoodeen 21 ruux oo kamid ah dadkii horay looga helay xanuunka.

1 kamid ah xaaladaha cusub waxaa laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir, Somaliland 16 Ruux, Jubbaland 1 iyo Puntland 5 qof, waxaana 22 kamid ah Bukaannada cusub waa rag, waxaana dumar ah 1 xaaladood oo kale.

Tirada guud ee xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay waxey noqdeen 2,961 qof, waxaa ka bogsooday 973 ruux, waxaana guud ahaan dalka ugu geeriyooday 92.

Comments
Loading...