Dowladda oo Qaramada Midoobey kala hadashay Arrimaha siyaasadda dalka

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa ku qaabilay shalay oo Isniin ahayd Xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya (SRSG) ahna Madaxa Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), Mudane James Swan, waxa inta kulankooda ay ku guda-jireen kaga wadahadleen arrimo la xiriira siyaasadda, nabadgelyada, bani’aadannimada iyo dhaqaalaha.

Wasiir Cawad waxa uu soo dhoweeyay mowqifka wanaagsan ee Qaramada Midoobey ay ka taagan tahay taageeridda tallaabooyinka dowladda ee ku wajahan mideynta Soomaalida si loo gaaro himilada dadka, isagoo caddeeyay in ‘”kulamada noocan oo kale ah ay xoojinayaan kaalinta Qaramada Midoobey ee danaha dadka Soomaaliyeed “.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media