HomeWararDowladda oo Madaxda Liibiya kala hadashay dib u soo celinta Muhaajiriinta Soomaalida

Dowladda oo Madaxda Liibiya kala hadashay dib u soo celinta Muhaajiriinta Soomaalida

Date:

Related stories

Dagaalka Romero: Real Madrid, Atletico iyo Man Utd oo isku eryanaya kabtanka Tottenham

Cristian Romero ayaa laga yaabaa inuu ciyaaray kulankiisii ugu dambeeyay ee Tottenham ka dib dhaawac jilibka ah iyo kooxda oo u laabanaysa Championship-ka.

Ruto Lands 8 Major Deals in Rome as Kenya, Italy Sign New Action Plan

President William Ruto's state visit to Italy has yielded eight new agreements, cementing a three-year action plan with Rome. The wide-ranging deal covers everything from military cooperation and AI to restoring the Cherangany Forest and upskilling Kenya's youth.

Nairobi: Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka UN-Habitat ee horumarinta magaalooyinka

Wafdiga Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Wasiiru Dowle Saciid Xayd ayaa Nairobi kaga qayb galay kalfadhiga UN-Habitat.

Soomaaliya iyo Isku-tashiga: Xarunta Tamarta iyo Biyaha oo loo dhisay qaab casri ah

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xarigga ka jaray xarun casri ah oo ay yeelanayso Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha.

Sidee Turkigu u Qodayaa Ceelka Curad-1 ee Badda Soomaaliya? Sirta Qalabka Waaweyn!

Mashruuca Curad-1 waa wejigii koowaad ee Soomaaliya ay ku noqonayso waddan shidaal soo saara.

Ku-xigeenka Ra’Iisul Wasaaraha dowladda Midnimada Qaran ee Liibiya Xuseen Al-Gotrani ayaa kala xaajooday Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS, Daa’uud Aweys Jaamac sidii Muhaajiriinta Soomaalida dib loogu celin lahaa dalkooda.

Hadal Qoraal ka soo baxay dowladda Midnimada Qaran ee Liibiya ayaa lagu sheegay inay labada Mas’uul ka wada xaajoodeen xiriirada labada waddan iyo qaabka farsamo ee muhiimka u ah sidii Dowladda Liibiya Taageero uga geysan karaan Tasiilaadka iyo Hab-raacyada in Muhaajiriinta aan sharciga lahayn ee ku sugan dalka Libya loogu masaafurin lahaa dalalka ay asal ahaan ka soo jeedaan.

Dhinaca kale, Al-Gotrani iyo Wasiir Daa’uud ayaa waxay kulankooda kaga xaajoodeen Tallaabooyinka Hab-raacyada  muhiimka u ah  sidii Xoghaynta Guud ee Ururka Saaxil iyo Saxaraha (Sahel-Saharan States  SIN-SAD) ee ay ku bahoobeen qaar ka mid ah dalal ku yaalla Africa loogu soo celin lahaa Caasimadda dalka Liibiya ee Tripoli.

Wasiirka Warfaafinta , Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Daud Aweis Jama ayaa magaalada Tripoli ee dalka Liibiya uga qeyb galay Shirka Wasiirada Warfaafinta Ururka Jaamacadda Carabta oo ka dhacay dalkaas.

Wasiirka ayaa khudbad uu ka jeediyay kaga warbixiyay xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan guulaha laga gaarey dagaalka lagula jiro Al Shabab. Wasiirka ayaa u sheegay Shirka Wasiirada Warfaafinta Ururka Jaamacadda Carabta in Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud muhimaddiisa koowaad ay tahay in laga saaro Al-shabaab dalka.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories