Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Zubayr iyo wafdi la socday ayaa xalay Magaalada Jowhar kulan kula qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle iyo ku-xigeenadiisa.
Kulanka ayaa waxaa looga hadlay howlaha ka qabsoomay Dib-u-eegista Dastuurka Soomaaliya, waxaana wafdiga uu Guddoominayay Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Dastuurka uu Guddoomiye Cabdixakiin Luqmaan ugu warbixiyay safarkooda Jowhar.
Kulanka ayaa gogol xaar u ah kulamo kale oo hay’adaha Dastuurka la yeelan doonaan Golaha Wasiirada, Baarlamaanka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Hirshabelle si ay u soo uruurinyaan aragtidooda ku aadan cutubyada Dib u-eegista lagu sameeyay.
Hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka ee kala ah Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga Lasocodka ee Baarlamaanka iyo Guddiga madaxa Bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa wada kulamo la xiriira xog uruurin ku aadan cutubyada Dib u-eegista.