Dowladda oo hadashay weerarkii Al-shabaab ee Saldhiga Ballidoogle

Taliska Ciidammada Xoogga Dalka ayaa xaqiijiyay in ciidanka xoogga iyo Saaxiibbada Mareykanka ee taageera ayaa iska caabiyay weerar gawaari loo adeegsaday oo Al-shabaab ku soo qaadeen Saldhigga Ballidoogle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

War qoraal ah oo lagu daabacay Warbaahinta dowladda ayaa lagu sheegay in weerarkii Al-shahaab halkaas ku qaadeen la fashiliyay,isla markaana ka hortegeen Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa Mareykanka.

Sidoo kale dowladda ayaa sheegay in Al-shabaab iyo Ciidanka dowladda ay iska dhaafsanadeen rasaas,waxaana ay tilmaamtay dowladda in ragii weerarka soo qaaday la dilay,in kastoo aysan jirin warar Madax Banaan oo xaqiijinaya.

Dhinaca kale Al-shabaab ayaa sheegtay in weerar ku bilowday qaraxyo ay ku qaadeen Saldhigga Ballidoogle ee Gobolka Shabeellaha Hoose,iyadoo sheegay in halkaas ay ku dileen Askar farbadan oo ku sugnaa Saldhiga,isla markaana qabsadat qeybo kamid ah Saldhigga Ballidoogle

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media