Dowladda oo 5 Dal kala hadashay taageerida nidaamka Caafimaadka ee dalka

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Ali Haji Adam oo kulama duceedyo la qaatey Qaar ka mid ah Wasiirada dhigiisa ah ee kasoo qeyb galey Shirka looga hadlayo Il ma qabatada adkeysiga u leh dawooyinka ee ka socda Dalka Cumaan.

Iyada oo lagu guda jiro maalintii labaad ee shirka Caalamiga ah ee ka Tashiga il ma Aragtada adkaysiga u leh dawooyinka kaas oo ka socda magaalada Muscat ee Dalka Cuman ayaa  wuxuu Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS uu la qaatay kulamo kala duwan qaar ka mid ah Wasiirada ka qayb galaya shirka ee ka socdey dalalka Caalamka.

Wasiirka ayaa wuxuu kulama gaar- gaar ah la yeeshay wasiirada kala ah:

1- Wasiirka Wasaaradda  Caafimaadk dalka Cuman

2- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka dalka Sucuudiga

3- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka dalka Netherlands

4- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Dowlada Sweden

5- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dalka Bangladesh.

Wasiirka iyo dhammaan wasiirada uu la kulmay ayaa iska waraystay xaalada qeybta Caafimaadka ee dalka Soomaaliya iyo sidii kor loogu qaadi lahaa dadaalka dib loogu dhisayo nidaamka caafimaadka ee Soomaaliya.

Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr.Cali Xaaji Aadan ayaa u mahdceliyay Wasiirada kuwooda taageeray nidaamka caafimaadka ee dalka Soomaaliya.

Ugu danbayn Wasiirka iyo Wasiirada kale ee dhiggiisa ah ayaa ku balamay in la xoojiyo xiriirka ka dhaxeeya Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya iyo dalalkooda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor