Dowladda New Zealand ayaa oggolaatay inay 2 million iyo shan boqol oo kun Dollar ku wareejinayo Hay’adda Laanqeyrta Cas ee Caalamiga (ICRC), si loogu adeegsado Hawlaha Samafalka Aadminimo ee dalalka Somalia iyo South Sudan.
Qoraal ka soo baxay Dowladda New Zealand ayaa lagu sheegay in Abaaraha ka jira Somalia iyo Colaadaha ka aloosan dalka South Sudan inay kordhisay walaaca laga qabo xaalladda Aadminimo ee ka jirta dalalkaasi.
Hay’adda ICRC waxay Kharajkaasi u adeegsan doonta sidii wax looga qaban lahaa Nafaqo-darradda, dhibaatooyinka Kaydadka Cuntadda iyo sidii looga hortegi lahaa Abaaraha ka jira Somalia.