HomeWararDowladda Mareykanka oo shirkii London ku sifeysay mid dib u cusbooneysiiyay rajada...

Dowladda Mareykanka oo shirkii London ku sifeysay mid dib u cusbooneysiiyay rajada geeddi-socodka nabadda Somaliya.

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Jim Mattis xoghayaha gaashandhigga Mareykanka ayaa wariyeyaasha u sheegay isagoo u duulayay magaalada Washinton inuu ku niyadsanyahay waxa ka soo baxay shirka London, kadib markii uu kulan gaar ah laa qaatay madaxweynaha Somalia. “Mareykanka kaalin ayuu ka qaadanayaa taageerada ciribtirka kooxda sharwadayaasha ah ee Al-shabab” ayuu sheegay Matis. QM, midowga Africa, midowga Europe, oo lagu […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Jim Mattis xoghayaha gaashandhigga Mareykanka ayaa wariyeyaasha u sheegay isagoo u duulayay magaalada Washinton inuu ku niyadsanyahay waxa ka soo baxay shirka London, kadib markii uu kulan gaar ah laa qaatay madaxweynaha Somalia.

“Mareykanka kaalin ayuu ka qaadanayaa taageerada ciribtirka kooxda sharwadayaasha ah ee Al-shabab” ayuu sheegay Matis. QM, midowga Africa, midowga Europe, oo lagu biiriyay dowladaha Carabta, Afrika iyo kuwa reer Europe ayuu hadalkiisa ku daray inay ka doodeen hannaanka hore loogu sii wadi karo.

- Advertisement -

Xoghaye, Mattis ayaa yiri, Somaliya waxay leedahay barnaamij dhaqaale iyo mid dowladeed oo ay mar kale cagaheeda dib isugu taageyso, taageerada caalamkana waa u muhiim hannaankaasi.

“Sidaas awgeed waxaan ka shaqeyneynaa, sida mustaqbalka uu u muuqanayo iyo waxa dowladaha ka go’an si loo helo qaab sax ah,” ayuu yiri Mattis. -“waxaa ku jirta dhinaca Amniga, sii wadida xoogaggeeda amaanka difaacyada ka dhanka ah Al-shabab, laakin sidoo kale waxaa qeyb ka ah barnaamij dib-u-heshiisiineed oo qaabeysan.

Hannaanka guud ee xaaladda Somaliya waa mid ay ka muuqato fursadii guusha. Ayuu sheegay Mattis.

- Advertisement -

“Waxaa jirta aragti dhab ahaaneed oo dib u cusbooneysiisay rajada, taasoo ku saleysan doorashada hoggaamiye u muuqda mid wanaagsan, haddii ay ahaan lahayd fahamka baahida amniga ciidan, sidoo kale dadaallada dhaqaalaha iyo dib-u-heshiisiinta oo la sii ambaqaado”. Ayuu yiri.

Dhinaca kale, mar uu ka hadlayay La-dagaallanka Argagixisada Mattis waxa uu amaanay howgalka nabad-ilaalinta midowga Africa ee Somaliya ee AMISOM, wuxuuna sheegay inay xoogaggu soo qabteen shaqo wanaagsan.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts