Dowladda Kenya oo Sheegtay In Caalamka Ay Kala Shaqeyn Doonto Hubinta Lacagaha Soomaaliya Loo Soo Diro

Dowladaha Kenya iyo Jarmalka ayaa waxaa ay iska kaashan doonaan la dagalanka kooxaha xiriirka la leh sida Xarakada Al Shabab.

Xoghayaha Golaha Wasiirrada Kenya ee Arrimaha Dibadda iyo Ganacsiga Caalamiga Amina Mohamed ayaa suxufiyiinta magalada Nairobi ushegtay in qaxootiga ugu badan ee Kenya ay ku tiirsan yihiin xawaaladaha ka baxsan Afrika.

“Waxaan beesha caalamka kala shaqeyn doonaa si loo hubiyo in lacagta loosoo diro Kenya ay ka faa’iideystaan ama ay gacanta u galaan dhinacyo lamid ah Al Shabab.

Mrs Amina ayaa halkaan waxaa ay jeedisay intii lagu guda jiray war kooban oo ay si wadajir ah usiinayeen warbaahinta iyada iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Jarmalka Walter-Frank Steinmeier.

Amina Maxamed ayaa sheegay in aanay jirin sabab ay u joojiyaan qulqulka xawaaladaha dalka Kenya sababtoo ah in ay aaminsanyihiin in sameyn ay ku yeelan karto qaxootiga somalida ee dalkaasi.

Waxay ku dartay, in la aqoonsado nabadda iyo ammaanka Geeska Afrika in ay tahay mudnaanta muhiimka ah ee Kenya. Sanad kasta somlaida dibadaha ku nool ayaa waxaa ay dalkooda hooyo ay uso diraan lacago lagu qiyaasay 1.3 billion oo dollarka mareykanka ah, taasoo la qiyaaso in ay ka badantahay kaalmooyinka Bina’aadanimo iyo malgashiga shisheeye.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor