HomeWararDowladda Kenya oo shaacisay inay 6 bilood kadib xiri doonaan Xeradda Qaxootiga...

Dowladda Kenya oo shaacisay inay 6 bilood kadib xiri doonaan Xeradda Qaxootiga ee Dhadhaab.

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Kenya, Joseph Ole Nkaissery ayaa ku dhawaaqay inay hakiyeen qorshihii ay bishan November 30-da ku xiri lahaayeen Xeradda Qaxootiga Dhadhaab oo Hoy u ahaa Boqolaal kun oo Qaxooti Soomaali ah. Hadalkaasi ayuu ka sheegay Xafiiskiisa Nairobi, oo uu kula kulmay Ergayga Gaarka ee UNHCR ugu qaabuilsan Xaalladda Qaxootiga Soomaalida ku nool […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Kenya, Joseph Ole Nkaissery ayaa ku dhawaaqay inay hakiyeen qorshihii ay bishan November 30-da ku xiri lahaayeen Xeradda Qaxootiga Dhadhaab oo Hoy u ahaa Boqolaal kun oo Qaxooti Soomaali ah.

Hadalkaasi ayuu ka sheegay Xafiiskiisa Nairobi, oo uu kula kulmay Ergayga Gaarka ee UNHCR ugu qaabuilsan Xaalladda Qaxootiga Soomaalida ku nool Kenya, Ambassador Mohamed Abdi Afey iyo Danjiraha Somalia u jooga Kenya, Jamaal Mohamed, oo ay isla eegeen Nidaamka Dib-u-celinta Qaxootiga.

- Advertisement -

joseph-nkaisseryWasiirka waxa uu sheegay inuu Madaxa Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga (UNHCR), Filipo Grandi ka codsaday indib loo dhigo xilliga albaabadda loo laabayo  Xeradaasi, wuxuuna hoosta ka xariiqay in ay Xeradda sii furnaan doonto lixda bilood ee soo socota.

Waxa kale oo uu tilmaamay inay Doorashooyinka haatan ka socda Somalia iyo xaalladda Ammaanka Somalia oo aan la isku halayn Karin sababtay inay Dowladda Kenya go’aansato in la hakiyo qorshihii lagu xiri lahaa Xeradda Dhadhaab oo ay ku jiraan 262-kun oo Qaxooti ah.

dadaab-campBishii June ee la soo dhaafay ayey Dowladda Kenya ku dhawaqday inay xiri doonaan Xerdda Dhadhaab, balse, Beesha Caalamka ayaa cadaadis ku saartay Kenya si ay uga laabtaan Go’aankaasi.

- Advertisement -

Wasiirka waxa uu beeniyey wararka ay Hay’addaha ay ka mid tahay Amnesty International ku sheegtay in Qaxootiga si khasab ah loogu celinayo Somalia, wuxuuna xusay inay Kenya dhowrayso Heshiisyadda Calaamiga ee ay saxiixday.

Dhinaca kale, Waxa uu sheegay inay Dowladda Kenya qorsheynayso Shirweyne Khaas oo ay Madaxda IGAD ku yeelan doonaan magaalladda Nairobi si ay uga wada xaajoodaan Xiisadaasi iyo Xaalladda Ammaanka ee Gobalka.

©Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts