In ka badan 10 Mudane Barlamaan oo uu horkacayo Xildhibaanka laga soo doorto Deegaanka Balambal, Abdikadir Omar ayaa ku eedeeyey Dowladda Kenya inay ka dambeeyso dad lagu la’ yahay Gobalka W/bari.
Dadkaasi ayaa la sheegay inay Ciiddanka Ammaanka qabteen wixii ka dambeeyey Weerarkii ay Alshabaab bishan April 2-dii ka geysteen Jaamacadda Garissa, oo lagu idlay in ku dhow 150-qof.
Mudanahaasi waxay kaloo sheegeen inay Ciiddanka Ammaanka ay dad badan kala baxeen guryahooda, balse aan mar kale dib loo arkin raqdooda iyo ruuxood midnaba.
Xildhibaan Abdikadir Omar waxa uu tilmaamay inaysan Dowladda kula dagaalami karin Alshabaab iyadoo ay dadka iska xiraan, kadibna la waayo halka ay ku dambeeyeen.
Waxa uu tilmaamay inaysan Ciiddanka Kenya haysanin Oggolaansho sharci ah oo ay dadka isaga xiri karaan, wuxuuna ku baaqay in dadka la xiro la soo maxkamadeeyo, oo aysan noqonin kuwo aan muuqooda dib loo arkin.
Dhinaca kale, Xildhibaanad Fatuma Ibrahim oo laga soo doortay Degmadda Wajeer ayaa sheegtay in 9 qof oo la la la’aa maydadkooda laga helay bulaacadda biyaha ee Garissa.
Waxay sheegtay inay tuhunsan tahay in boqolaal qof oo la la’ yahay in maydadkooda la raacsiiyey Togga ay biyaha maraan ee Wajeer.
Xildhibaanadda waxay ugu baaqday Hay’addaha u dooda Xuquuqda Aadanaha inay ku baraarugaan Tacadiyadda ka socda Wajeer, waxayna dhinaca kale kula talisay Dowladda Kenya inay Odayaasha Gobalka W/bari kala shaqeeyaan sugidda ammaanka iyo La-dagaalanka Alshabaab.