Dowladda Kenya oo ka baxday Dacwadda Badda iyo sababta keentay

Dowladda Kenya ayaa waxaa la sheegay inay ka baxday dhageysiga Dacwadda Badda ee kala dhexeeysa dowladda Federaalka Soomaaliya, taas oo la filayo in maalinta berri dhageysigeeda ka bilaabato Maxkamadda Cadaalada aduunka ICJ.

Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa Magaalada Nairobi ayaa qoray inuu arkay dokumenti ay Kenya u dirtay Maxkamadda ICJ, kuna wargelisay in aysan ka qeyb geli doonin dhageysiga Dacwadda Badda, iyadoo sabab uga dhigtay Cudurka COVID-19.

Warbixinta uu qoray Wargeyska ayaa waxaa lagu sheegay in Kenya ay Maxkamadda Cadaalada aduunka ee ICJ ku eedeysay u jeen-jeerto dhinaca dowladda Soomaaliya, sidoo kalena ay horey u diiday Maxkamadda u Codsi ay u soo direen.

Ilo-wareedyo siyaasadeed ayaa sheegaya in Maxkamadda ay sii wadi doonto Dacwadda Badda ee maalinta berri si rasmi ah dhageysigeeda uga bilaaban doonto Maxkamadda, waxaana ka qeyb galaya qareenada u doodaya dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dowladda Kenya ayaa markii afaraad dooneysa inay dib u dhigto kiiska Dacwadda Badda oo sanado badan soo jii-tameysay, waxaana go’aankii ugu dambeeyay ee Maxkamadda ICJ uu ahaa in dhageysiga kiiska la bilaabayo 15-ka bishaan Maarso.

Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa shaaciyay in wafdiga dowladda Soomaaliya ku metelaya Dacwadda Badda ay u diyaasan yihiin ka qeyb galka dhageysiga, isla markaana rajo wanaagsan muujiyay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor