Dowladda Kenya oo Beesha Caalamka ka dalbatay in laga taageero dib-u-celinta Qaxootiga Soomaalida

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Kenya, Joseph Nkaissery ayaa sheegay inay xilligan doonayaan inay Beesha Caalamka taageero ka geystaan qorshahaasi, inkastoo uu qorshahaasi ka hor imaanayo Xeerarka Caalamka.

Waxa uu tilmaamay inay masaafurin doonaan qof kasta oo lagu helo inuu faraha kula jiro falal-dembiyeedyo ay Argagixisaddu ka mid tahay.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Kenya waxa uu ka gaabsaday inuu xaqiijiyo inay Dowladda Kenya diyaarinayaan Siyaasadda Qaxootiga, iyadoo ay Senedka Kenya dib-u-eegis ku hayaan Sharciga Qaxootiga Caalamka.

Dhinaca kale, Safiirka Maraykanka u jooga Kenya, Robert Godek ayaa mar kale xaqiijiyey inay Dowladda Maraykanka ka taageeri doonaan Kenya dadaalka dhinaca Ammaanka iyo sidii ay Magangelyo-doonka iskooda dib ugu laaban lahaayeen dalkooda hooyo.

© Warqabadka Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor