Dowladda Kenya oo ballan-qaad garab istaag u sameeysay Dowladda Soomaaliya

Dawladaha Jabuuti iyo Kenya ayaa si adag uga hadlay weeraradii dadka badan ku dhinteen ee ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya oo ku taalla Isgoyska Soobe.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo wareysi siiyey VOA-da ayaa waxaa uu sheegay inay ka xun yihiin qaraxyadii ka dhacay Muqdisho, wuxuuna tacsi u diray qoysaska dadkii ku dhintay, isagoo caafimaad u rajeeyay dadkii dhaawacmay.

Dhanka kalana, Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayaa Soomaaliya uga tacsiyeeyay khasaaraha ka dhashay weerarkii  sabtidi ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo geystay khasaaro lixaad leh oo gaaray dad shacab ah iyo Askar dowladeed.

Madaxweyne Ruto ayaa ballanqaaday in dowladiisu ay dowladda Fdderaalka Soomaaliya la garab taagantahay tageero buuxdo, isla markaana ay la qeybsanayaan murugada qaraxyadii ka dhacay Muqdisho.

In ka badan 100 qof ayaa ku dhimatay qaraxyadii ka dhacay Isgoyska Soobe, halka ku dhawaad 300 oo qof kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo haatan xaaladooda Caafimaad lagu dabiibayo isbitaalada waaweyn ee magaalada.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor