HomeWararDowladda Kenya oo baarayso haddii ay Daacish ka dambeeyeen Weerarkii ka dhacay...

Dowladda Kenya oo baarayso haddii ay Daacish ka dambeeyeen Weerarkii ka dhacay Mombasa.

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Afhayeenka Dowladda Kenya, Eric Kiraithe ayaa sheegay in la baarayo haddii ay Daacish ka dambeysay weerarkii Axaddii hore lagu qaaday Saldhigga Dhexe Boliska ee magaalladda Mombasa. Waxa uu intaasi ku daray inaysan fajac ku ahayn inay Daacish weeraraan Saldhigaasi , balse ay Dowladda Kenya doonayso in laga sal-gaari Sheegashadaasi. Afhayeenka Dowladda Kenya waxa kale uu […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Afhayeenka Dowladda Kenya, Eric Kiraithe ayaa sheegay in la baarayo haddii ay Daacish ka dambeysay weerarkii Axaddii hore lagu qaaday Saldhigga Dhexe Boliska ee magaalladda Mombasa.

Waxa uu intaasi ku daray inaysan fajac ku ahayn inay Daacish weeraraan Saldhigaasi , balse ay Dowladda Kenya doonayso in laga sal-gaari Sheegashadaasi.

- Advertisement -

Afhayeenka Dowladda Kenya waxa kale uu tilmaamay inay ku baraarugsan yihiin inay Argagixisadda bedeleen Xeeladahooda iyo inay Haweenka u adeegsadaan Hawlgaladooda Argagixiso.

Dhinaca kale, Afhayeenka waxa uu ugu baaqady Dhallinyarada Kenyanka ee weli ka tirsan Kooxaha Xagjirka inay isku soo dhiibaan Hay’addaha Ammaanka, si looga taageero inay dib ugu soo laabtaan Nolosha Caadiga ah.

Weerarkii isbuucii hore lagu qaaday Saldhigga Dhexe ee Boliska magaalladda Mombasa waxaa fuliyey, laguna dilay 3 gabdhood oo asalkooda la sheegay inuu ka soo jeedo Somalia.

- Advertisement -

Sidoo kale, Ilaa 2 Askari oo ay ku jirto Haweeney xaamilo ah ayaa lagu dhaawacay weerarkaasi oo lagu gubay qeybo ka mid ah Saldhigga Boliska ee la weeraray.

Kooxda Daacish ayaa horey u sheegatay inay ka dambeeyeen Weerarkaasi oo u muuqda kii ugu horreeyey ee ay Daacish ka fuliyaan gudaha Kenya.

©Radio Dalsan

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts