Dowladda Japan oo ballaarinaysa Saldhiga ay ku leedahay Dalka Jabuuti

Wasiirka Difaaca ee dalkaasi, Itsunori Onodera ayaa sheegay inay ballaarinayaan Saldhigga ay Ciiddanka Badda Japan ku leyihiin dalka Jabuuti.

Waxa uu sheegay inay Dowladda Jabuuti ku heshiiyeen in 3 Hektar lagu kordhiyo Dhulka bannaan ee ku yaalla Saldhigga ay Ciiddanka Japan ku leeyihiin dalkaasi.

Waxa uu intaasi ku daray inuu Saldhigaasi muhiim u yahay si ay u adeegsadaan Ciiddanka Japan ee Is-difaaca (Self-Defense Forces troops) ee Hawlgalladda La-dagaalanka Burcad-baddeeda ka wada Gacanka Caadmeed, gaar ahaan meelaha ka baxsan Xeebaha Somalia.

Ciiddanka Japan waxay doonayaan inay ballaariyaan Saldhigooda 12-ka Hektar ee ay ku leeyihiin Jabuuti, kaasi oo laga dhisi doono Dhismooyin ay Muwaadiniinta Japan ka dhigan karaan gabaad xilliyadda ay colaadaha ka dhacaan Mandiqadda Geeska Afrika.

Saldhiga Milliteri ee ay Japan ku leeyihiin Jabuuti oo la dhisay bsihii June ee sannadkii 2011-kii waxaa haatan ka dhisan yihiin Guryo Hagaro ah, Xero iyo Adeegyo kale.

Saldhigaasi waxaa ka hawlgala Maraakiib iyo Diyaarado qeyb ka ah Hawlgalka Caalamiga ee La-dagaalanka Burcad-baddeeda, waxayna Ciiddankaasi gelbiyaan Maraakiibta Ganacsiga ee Japan ee inta badan isticmaala Gacanka Cadmeed ee muhiimka u ah Maraakiibta shidaalka ka soo qaada dalalka Gacanka Carbeed.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media