Dowladda Jabuuti oo War kasoo saartay tallaalka Cudurka CORONAVIRUS

Wasaaradda Caafimaadka ee dalka Jabuuti ayaa sheegtay in tallaalkii ugu horreeyey oo looga hortagayo faayraska Korona uu shalay gaaray Jamhuuriyadda Jabuuti.

Tallaalkan oo uu qofka laba mar qaadan doono ayay wasaaraddu sheegtay in lagu billaabayo shaqaalaha caafimaadka ee halista ugu jira qaaditaanka cudurkaasi iyo bukaannada kale ee u nugul iney cudurka qaadaan oo ah dadka la nool cudurrada kale isla markaana da’doodu ay ka weyntahay 50 jir .

Talllaalkan ayay dowladda Jabuuti ka soo iibsatay dalka Shiinaha .

Wasiirka caafimaadka Jabuuti Maxamed Warsame Diiriye oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa u sheegay in Jabuuti ay aad u sugeysay tallaalka.

Wasiirka ayaa sheegay in xirmooyinka haatan soo gaaray ay yihiin kuwo lagu sii bilaabayo dadka aadka ugu baahan, isla markaan bishan dhexdeeda ay sugayaan ilaa 300,000 oo xirmo ah oo ay dowladda Jabuuti ka soo iibsatay Shiinaha.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor