Dowladda Jabuuti oo beenisay in laga soo xigtay inay Ethiopia danno qarsoon ka leeyihiin dalka Somalia

War Saxaafadeed uu soo saaray Taliyaha Guud ee Ciiddanka dalka Jabuuti, Jeneral Zakariya Shiikh Ibraahim ayaa waxa uu ku beniyey warar ay qaar ka mid ah Warbaahinta Gobalka ku sheegeen inay ka soo xigteen Taliyaha Ciiddanka Jabuuti ee ku sugan Gobalka Hiiraan inuu ku eedeeyeyey Ethiopia inay Ajendo Qarsoon ka leeyihiin Somalia.

“Warbixintaasi la been abuuray, marna wax uma dhimayso Siyaasadda Jabuuti iyo xiriirka wanaagsan iyo Iskaashiga ee aynu leenahay Ethiopia” ayuu yiri Jeneral Zakariya.

Wuxuuna intaasi ku daray inay eedeymahaasi marnaba ka imaanin Wasaaradda Difaaca Jabuuti ama Hoggaanka Ciiddanka.

Taliyaha Guud ee Ciiddanka dalka Jabuuti, Jeneral Zakariya Shiikh Ibraahim  waxa uu sheegay inuu iskaashi xooggan ka dhexeeyo Ciiddanka Jabuuti iyo kuwa Jabuuti ee ku wada sugan Gobalka Hiiraan, isla markaana ay la wadaagaan Ummadda Soomaalida dhibaatooyinka iyo Farxadda.

Waxa uu tilmaamay inuu hadafka labada ciiddan yahay sidii dalka Somalia loogu soo dabaali lahaa Nabad iyo Deganaansho buuxda, isla markaana aysan Jabuuti iyo Ethiopia midna ahayn inay ka shaqeynayaan Deganaansho La’aanta Somalia.

Dhinaca kale, Taliyaha Guud ee Ciiddanka dalka Jabuuti, Jeneral Zakariya Shiikh Ibraahim waxa uu sheegay in Eedeymahaasi looga dan leeyahay in lagu carqaladeeyo qorshaha lagu dhisayo Dowlad-gobaleedka Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Dowladda Jabuuti ayaa ka mid ah Dowladaha IGAD ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM, iyadoo 1,900 ciiddan ka joogaan Gobalka Hiiraan ee Bartamaha Somalia.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor