Dowladda India oo Kenya ka taageerayso La-dagaalanka Alshabaab.

Ra’isul-wasaaraha Hindiya, Narendra Modi oo dhamaystay booqasho uu ku joogay dalka Kenya ayaa sheegay inay Dowladda Kenya ka taageeri doonaan Hawlgalladda ka dhanka ah Xarakadda Alshabaab.

Narendra Modi waxa uu Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ku wareejiyey 30 gaadiidka Ambalaaska oo ay Ciiddanka Kenya u isticmaali doonaan Hawlgaladooda.

Dhinaca kale, Labada Hoggaamiye waxay wada saxiixdeen Heshiis ay isaga kaashanayaan dhinacyadda Difaaca, Ammaanka iyo Ganacsiga iyo inay dhaafadaan Macluumaadka iyo Khibradaha lagula dagaalamayo Kooxaha loogu yeero Argagixisadda.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media