Dowladda Gambia oo ku dhawaaqday inay fashilisay Afgambi Militari  oo la qorsheeyay

Dowladda Gambia ayaa Arbacadii sheegtay inay fashilisay afgambi militari, ayna xireen afar askari oo qorsheynayay inay afgambiyaan maamulka Madaxweyne Adama Barrow.

War qoraal ah oo ay soo saartay ayay ku sheegtay in taliska guud ee ciidamada qalabka sida ee Gambia ay gacanta ku dhigeen afar askari oo lala xiriirinayo afgambiga la sheegay inuu fashilmay kadib howlgal ay ciidamadu sameeyeen Talaadadii.

Isku dayga afgambiga ayaan ku cusbayn dalka Gambia, oo ah dal yar oo galbeedka Afrika ah oo ay ku nool yihiin 2.5 milyan oo qof oo ay ku hareeraysan yihiin gebi ahaan dalka Senegal, kaas oo weli la ciirciiraya in ka badan labaatan sano oo madaxweynihii hore ee Yahya Jammeh uu xukun keli-talis ah ku maamulayey iyo tacadiyo lagu eedeeyey.

Jammeh qudhiisa ayaa xukunka afgambi kula wareegay sanadkii 1994-kii, waxaana uu fashiliyay isku dayo dhowr ah oo lagu doonayay in xukunka looga tuuro kahor inta aanu ku guuldarreysan doorasho dabayaaqadii 2016-kii, taas oo uu ku guuleystay Barrow.

Xil ka qaadistiisa ayaa loo arkayay mid sare u qaadaysa dimuqraadiyadda, walow ay jirtay niyad jab xooggan oo ay xukuumadda Barrow ka qabeen inay wax ka qabato saboolnimada iyo sare u kaca maciishada.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor