Dowladda Federalka oo Danjire cusub u magacowday dalka Raashiya.

Danjire Abdullahi Mohamoud Warsame oo loo yaqaano Cadde Duqow” ayaa loo magacaabay Safiirka Somalia u joogi doona dalka Raashiya.

Waa Diplomaasigii ugu horreeyey ee xilkaasi loo magacaabay muddo toban sanno ah, wuxuuna xilka kala wareegi doonaa Danjirihii hore ee Somalia u joogay dalka Raashiya, Mohamed Mohamoud Xandulle oo isagu xilkaasi hayey tan iyo sannadkii 2007-dii.

Abdullahi Mohamud Warsame aka Adde Duqow,Dowladda Raashiya waxay ka mid ahaan jirtey Dowladihii xiriirka fiican la lahaa Somalia, xilligii Dowladda Kacaanka, inkastoo uu xiriirkaasi xumaaday, kadib, markii ay Ethiopia ku taageereen Dagaalkii 77-kii ee dhex maray Ciiddanka Xoogga Dalka Somaliyo iyo Ciiddanka Ethiopia.

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor