Dowladda Federaalka waxey aad uga xuntahay in Puntland ay SNTV ka joojiyaan howlaheeda

Mudane Cabdirisaaq Cali Yusuf (Bahlawi), Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska ee Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa ka hadlay go’aankii Puntland ay ku joojiyeen in SNTV ay ka howlgasho deegaanada Puntland. Agaasimaha Guud ayaa yiri “Dowladda Federaalka waxay aad uga xuntahay go’aanka Maamulka Puntland uu ku joojiyey in Telefishanka Qaranka Soomaaliyeed (SNTV) uu ka howlgalo degaanada Puntland.”

Bahlawi oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Wasaaradda Warfaafinta ee Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxey ugu baaqeysaa Puntland inay si shuruud la’aan ah u oggolaato in SNTV uu ka howlgasho degaanada Puntland. SNTV waa TV-ga qaranka Soomaaliyeed oo Puntland lagama xigo oo waa TV-goodii waana TV-gii Soomaaliyeed oo nooga wada baahan inaan u fududeyno howlahooda isla markaasna ku dhiiri gelino inay shacabka Soomaaliyeed ka haqabtiraan baahida warbaahinta dalka.”

Agaasimaha Guud ayaa hadalkiisa ku soo gabogabeeyey “Wasaaradda Warfaafinta ee Puntland waxaan ka codsaneynaa haddii ay jirto cabasho inay si toos ah noogu soo gudbiyaan si loo xaliyo. Dastuurka dalka ayaa si toos ah u qeexaya xoriyadda saxaafadda, sidaas daraadeed dhammaan maamulada dalka ka jira iyo Dowladda Federaalka waxaa waajib ku ah inay ilaaliyaan xoriyadda saxaafadda. Joojinta SNTV inay ka howlgasho deegaanada Puntland waxey keeneysaa in bulshada ku dhaqan Puntland laga horistaago inay horumarka ka jira Puntland laga soo tabiyo SNTV, tanoo aan wax faa’iido ah ugu jirin Dowladda Puntland iyo shacabka deegaannadaas.”

DHAMAAD
Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska, [email protected]

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor