Dowladda Federaalka oo War kasoo saartay Dagaalkii ka dhacay Magaalada Baydhabo

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay dagaalkii saaka magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ku dhexmaray ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed iyo kuwa la magac baxay badbaabada Koonfur Galbeed ee mucaaradka ah.

War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda ayaa lagu sheegay in dowladda Federaalka ay ka xun tahay shaqaaqooyinkii ka gacan ka hadalka ahaa ee saaka ka dhacay magaalada Baydhabo caasimadda KMG ah ee K/Galbeed.

Dowladda ayaa ku boorisay dhammaan qeybaha siyaasadda ee Koonfur Galbeed inay miiska wada-hadalka ku xaliyaan kala aragti duwanaanshaha ka dhexeeya, isla markaana ay ka fogaadan in dhiig lagu daadiyo magaalada Baydhabo.

Ciidanka Booliska Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa la sheegay in saaka ay weerar ku qaadeen Guri ay ku sugnaayeen ciidamo la magac baxay badbaabada Koonfur Galbeed ee taageersan musharaxiinta kasoo horjeeda Madaxweyne Lafta-gareen.

Wasaaradda Amniga Maamulka oo Qoraal soo saartay ayaa ku sheegay in kooxo hubeysan oo burcad ah ay jid-gooyo u dhigteen ciidanka amniga oo howlgal roondo ku jiray, waxaana Maamulka uu sheegay in aysan aqbali doonin khal-khal gelinta amniga.

Hoos ka Akhriso Qoraalka Wasaaradda Warfaafinta.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor