Dowladda Federaalka oo Musharaxiinta Madaxweynaha uga digtay fowdo

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa waxaa uu sheegay in dalka Soomaaliya uu soo saaray burbur iyo Codaalo darran, xiligaana aysan aheyn in dalka uu dib ugu laato wixii laga soo gudbay.

Wasiir Cismaan Dubbe ayaa Musharaxiinta Mucaaradka ee dowladda Federaalka Soomaaliya uga digay inay dalka ka sameeyaan fowdo, isagoo sheegay in aysan jirin qof Soomaaliyeed oo xiligaan doonaya inay fowdo dhacdo.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda ayaa sheegay in sababta ay sharciga u sameeysanayan dowladdaha ay tahay in waddo toos ah loo maro dowladnimada, hayeeshee hadii dowlad sharci weydo ay dhici karto fowdadii iyo burburkii dalka kal soo maray oo kale.

“Nin weyn oo darajooyinkii dalka ugu sarreeyay soo qabtay oo leh anoo suuqa jooga ayaan guddi  Magacaabayaa miyaanay arrintaas aheyn Xarako ” ayuu yiri Wasiir Dubbe oo ka hadlaayay Munaasabad ka dhacday Magaalada Muqdisho oo uu ka qeyb RW ku-xigeenka dalka Mahdi Guuleed.

Hadalka Wasiirka ayaa kusoo aadaya, iyadoo shalay Musharaxiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya ay magacaabeen Guddiga badbaadinta Doorashada dalka, kuwaasi oo ka shaqeyn doona sidii dalka uga dhici laheyn Doorasho xor oo loo dhan yahay.

Musharaxiinta ayaa Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay inuu boobayo Doorashada, isla markaana xiligaan uusan diyaar u aheyn inay dhacdo Doorasho loo dhan yahay, taas bedelkeedna ay qaadi doonaan tallaabo kasta oo lagu badbaadinayo Doorashada dalka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media