HomeWararDowladda Federaalka oo Eedeyn adag u jeedisay Ganacsatada qaadka ka ganacsata

Dowladda Federaalka oo Eedeyn adag u jeedisay Ganacsatada qaadka ka ganacsata

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya aya shaaca ka qaaday in Ganacsatada qaadka ka ganacsata ay diideen in ay dowladda kala shaqeeyaan sidii ay u bixin lahaayeen canshuurtii sharciga ahayd ee lagu saleeyay cabbirka kiloogaraamka. War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Maaliyadda ayaa waxaa lagu sheegay in tallaabada ay ku diideen Ganacsatada qaadka bixinta canshuurta ay tahay wax […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya aya shaaca ka qaaday in Ganacsatada qaadka ka ganacsata ay diideen in ay dowladda kala shaqeeyaan sidii ay u bixin lahaayeen canshuurtii sharciga ahayd ee lagu saleeyay cabbirka kiloogaraamka.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Maaliyadda ayaa waxaa lagu sheegay in tallaabada ay ku diideen Ganacsatada qaadka bixinta canshuurta ay tahay wax la aqbali karin, iyagoo xusay inay ka go’tahay in si cadaalada ah loo canshuuro agabka lasoo dejiyo.

- Advertisement -

Wasaaradda ayaa tilmaamtay in nidaamka cabbirka kiloogaraamka ah uu yahay halbeega ugu haboon ee lagu cabirikaro canshuurta qaadka laga keeno dalalka Kenya iyo Itoobiya, kaasi oo aan waxba ka bedelaynin qiimaha canshuurta la qaadi jiray.

“Hase ahaatee habkaan cusub ayaa ah mid daahfuran oo la jaan qaadaya dunida isla markaana si wax ku ool ah loogu hagaajin karo nidaamka canshuurta, iyadoo Dowladdu horay ugu wargelisay ganacsatada qaadka. Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an inay si dhaw oo qaddarin iyo waxtar leh ula shaqeyso ganacasatada oo dhan oo ah lafdhabarka dalka Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri Qoraalka Wasaaradda Maaliyadda dowladda.

Shalay ayey aheyd markii Ganacsatada qaadka ka ganacsata ay sheegeen in Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ay kala soo bixi waayeen qaadkii laga kala keenay dalalka Kenya iyo Itoobiya, iyagoona eedeyn u jeediyay dowladda Federaalka Soomaaliya.

- Advertisement -

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts