HomeWararDowladda Federaalka oo Baaq shuruud la’aan kasoo saartay Dagaalka Kabxanleey

Dowladda Federaalka oo Baaq shuruud la’aan kasoo saartay Dagaalka Kabxanleey

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta ayaa ka hadashay dagaal xoogan oo laba maleeshiyo beeleed ku dhexmaray deegaanka Kabxanleey ee duleedka Magaalada Baladweyne. War-saxaafadeed uu soo saaray Wasiirka Arrimaha gudaha xilgaarsiinta Jeneraal Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa waxaa baaq nabadeed ugu diray maleeshiyaadka dagaalka khasaaraha geystay uu ku dhexmaray Kabxanleey. Wasiir Mukhtaar […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta ayaa ka hadashay dagaal xoogan oo laba maleeshiyo beeleed ku dhexmaray deegaanka Kabxanleey ee duleedka Magaalada Baladweyne.

War-saxaafadeed uu soo saaray Wasiirka Arrimaha gudaha xilgaarsiinta Jeneraal Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa waxaa baaq nabadeed ugu diray maleeshiyaadka dagaalka khasaaraha geystay uu ku dhexmaray Kabxanleey.

- Advertisement -

Wasiir Mukhtaar ayaa maleeshiyaadka ka dalbaday inay si shuruud la’aan ah u joojiyaan Colaada salka ku heysa dhul-daaqsimeedka iyo dilalka aanooyinka qabiil, isla markaana u dhaga nuglaadan baaqyada nabadeed ee uga imaanaya dadka.

Sidoo kale Wasiirka ayaa Waxgaradka, Odayaasha dhaqanka, Culimada iyo Ganacsatada ka Codsaday inay u istaagan sidii loo joojin lahaa dagaalka beelaha ku dhexmaraya deegaanka Kabxanleey ee duleedka Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Ugu dambeyn Jeneraal mukhtaar Xuseen Afrax ayaa tilmaamay in Wasaaradda Arrimaha gudaha Federaalka ay diyaar u tahay fidinta gogosha heshiiska maleeshiyaadka iyo guud ahaan heshiisiinta meelaha Colaadaha ka dhaceen.

- Advertisement -

Hoos ka Akhriso Qoraalka Wasaaradda kasoo baxay.

 

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts